Murtida iyo macnaha
gabayga iyo muunaddiyo luuqda,
Waa martabad saroon uumiyaha Mawle wada siinne,
Mulki kaleba soomaaliyeey waa ku murannaaye,
Maansiyo kolkay gabay tihiyo midha la luuqeeyo,
Sow Miidhayadan reer Isaaq lama mihiibsiinnin,
Mankiisiyo Mullaax iyo Laf iyo gabay macaankiisa,
Macdantiisi sow Eebahay naguma soo meerin.
Maxamuud M Yaasiin (Dheeg)
SALAAN CARRABEY
Haddaad dhimato geeridu marbay
nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide
Shansha adhiba shirixaa danbaa shuuxa abidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadii xumiye
Fulaa shiil wadnaha loogu xidhay Shamacyo naareede
Anse kama shakiyo xaajadaan uur ka shaawiro'e
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye
Cimrigiisa niman laasanayn looma caal helo'e
Naf cankuurka loo yimi Rabbaa
caaqibuu garanne
Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne
Cidla yuurur bay dilay sidii cawsha debadeede
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne
Ifka nimad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye
Camalkaaga mooyee halkaan hiil casabo joogin
Wasdi ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye
Legjar Faranji niman baa akhriya
laawis iyo beene
Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane
Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane
Ma laxiibto geelaba hashii
lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye
Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye
Hadaan luqunta beri taagi jiray
liicday adhaxdiiye
Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye
Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe
Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato
Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jara'e
Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu
xilateene
Ragbase kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe
Wax dhaaxaan xiniinyaha ka saray mida sinnaydeene
Suntaan qooshay waabeeyadaan kaaga sahay yeelay
Adna inaad Samuutaha qudhqudhin waa si la hubaaye
Fircoonbaa cilmiga sheegi jirey
Sheekhna ma ahayne
Isaguba shirkiga Eebbeheen Shiqi gadaalkiiye
Siigada haddaan kaaga tegey salacyadii boodhka
Oon Summad wejiga kaa iftiyo Soofe kugu duugey
Saabaanna aan kugu xidhxidhay Sagabihii Koore
Surka Xadhigga Seetada lugaa kaa sanqadhi doonta
Ninkii aniga kaa igu sukhraday saac ha kuu bixiyo
Waataad Siddibiq ii gashee cidi ha kaa saarto.
Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene
Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye
Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis
iyo ceebe
Haadaa qabiiliga Isaaq hibo ilaah siiye
Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey
Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye
Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida
doqoneede
Hebednimada qaarkeed aday kuu hednoqotaaye
Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede
Gabadh waliba waa hooyadeed tay u
gurataaye
Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gidirta naaxdaaye
Haddii uu garkaa maro ratigu ama gugii qooqo
Isagoo gulaanjiyey cidlada wuxu ka guuxaaba
Markuu godoxoblaha baarqab helo gadan bidhaantiiye
Sacba waxa gunnada loogu dhigay yuu
gardiidamine
Haddii aan Gandaal lagu sabayn Gocay ma buuxsheene
Nin gargaari jirey naagahaa gaba abiidkoode
Abaal ma gude gobeybaa ka roon kuu gabraar tagae
Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo
Gurdan baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye
Duunkeeda belo waa helaa nin u
dedaalaaye
Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha'e
Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane
Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Wax belaayo lagu diimiyaa duul u waajibaye
Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya
Awrkii da'furay geela way deris
colloobaane
Oo waakaa duleeddada fadhiya diif wuxuu qabo'e
Dardar waxa leh Doob iyo Abeer dihin abiidkoode
Dahabooy waxaad iigu dudi waan ku duun garanne
Dabro Oday ma laasimo hadduu dooxanaa rido'e
Dedaalkiisu waa kol iyo Laba inuu ku duukhaaye
Hadduu dheregsan yahay wiil yar
bay taladu dhaaftaaye
Dhalanteedka layguma sasabo dhacaya maantiiye
Waayeel dhaqsaha waa wuxuu dhirif ka qaadaaye
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
FAARAX NUUR
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono.
Haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane.
Waaryaadha kala quusannaye qoomamo la'aada.
Waa duni la kala iibsaday, oon nala ogeysiine
Waa duni akhyaartii go'day, oo aaran soo hadhaye
Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye.
Kun la dirira idinkoo konton ah weydun kaafiye'e
Kurka sare haddii laydin jaro kubabka meermeersha
Hana kibrina ninkii waa xun yahay kodada dhaafaaye.
Nin ku xiga naxliga kuu galaa, nudayga kaa gooye
Mar haddaanan naaskii walaal, idinka nuugeynin
Nugaalna an tagee reer Xirsow nacay agtiinniiye.
Haddaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay,
Sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan.
Cali Jaamac Haabiil
More
More
More
Max'd Adan Caws(Yawle)
Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode
Dadka oo nabad isaga joogabay dacar ku oogaaye
Cadka Boqorka nimankii lahaa calalinmaayaane
Bal cibaaradaa daya nabsiga looma caal heloe
Rag hadduu ilmaadeerro yahay ururku waw doore
Marse haddaan ataag laga baxayn kala awaareeye
Kulli halaqu xaaraamacune kaal is wada ruubye
Kunbaa lala dilee aabahay keligi maahayne
Kala ridannay reerahakanaad igu karaamayne
Iyaguba kildhii iyo ku jabe kodadi ceelkiiye
Rag hadduu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo
Muslin iyo kufriba waa inay maalin diriraane
Hub wanaagsan heensiyo wanaag
dirir la haabeeyo
Habar Yoonisbaan uga dhashiyo hurinta waaweyne
Mataanaha lugaha iyo gacmmuhu kalama maarmaane,
Mid hadii la jaro teeda kale waa u miligtaaye
Ma magoolo geed kalli ah oo milic ku yaalaaye
Inkastuu mahiig qooyo waa mudhuxsanaadaaye
Muslin iyo kufriba idinka oo ugu miciin liita
Ma maroodi baan Habar Jeclooy idinku maaweeshey
Ma mooyaan idiin tumay gun waa loo mashxaradaaye
More
More
More
More
Max'd Nuur Fadal
Ninkii Baha Xabuusheed arkaa baadha dirirteeda
Basarkii Qureyshta iyo sidii Beder na faalleeye
Nagase badi Isaaq beenta iyo boolo-xooftada'e!
Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo
laabta xuunshada'e
Laxowsiga xigtada lay geshiyo, libiqsigaan eeday
Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye
Bulbulloow Libaax iyo dawaco power kala roone
Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye.
Dhadhan malaha naagaha middii; Dhoocil noqotaaye
Dhulka jiifta lama guursadiyo; dhererka qaarkiise
Hadday dhuubo weyda tahayna waa; raaxo kaa dhimane
Kalaamkaasi wuxuu kuu ekaa,
kulantideeniiye
Adigoo karkii soo riday kabtiga, ha ila soo korine!
Nimankaan dukaannada lukiyan, laba
laba u siiyey
Nimankaan lo'daydii casayd, laanta ugu duugey
Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay
Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha
Hadday aniga leebkiyo warmaha, ii lisanayaane
Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede
Waligiinba dhoomaha Isaaq dheg uma noolayne
Dhalool yahay dhankiinaa Khaligu iiga soo dhacaye
Dhankaad naga xigtaan bay wadnaha dhooli mood ahaye
Irbad dhuub ma galisaan afkuna waa idin dheeryahaye
Gobbaa laga sinnaa jeer abaar
guuraysaa timiye
Nasabse waxad ku garataa habeen laysu soo galaye
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
More
Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com